Thursday, March 28, 2024

Wasiir Cabdirashiid: Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa Farmaajo, 7 Milyan ayaana laga helay..”

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Farmaajo ku caddeeyay inuu ka danbeeyay Heshiiska Shidaalka

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka ka warramey heshiis la sheegey in ay Soomaaliya la gashey shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu ku sheegay Wasiirka C/rashiid inay feylka heshiiska Shidaalka ay si gaar u ah u hayeen isaga iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayna muddo dheer ka wada shaqeynayeen sharciyadiisa, isla markaana uu ogaa saxiixa heshiiska uu saxiixay.

Ad

Heshiis kasta ayuu sheegay in lacag bonus ah uu leeyahay oo gaareysa Hal Milyan oo Dollar, ayna kusoo dhici doonto Bankiga Dhexe ee soomaaliya ilaa 7 Milyan oo Dollar.

Wasiirka wuxuu kashifay in Farmaajo markii uu culeys ka arkay baraha bulsahda uu qoraalka soo saray, laakin ay is fahmi doonaan, heshiiskuna ay ahayd in la buuxiyo.

Dhageyso wareysiga VOA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON