Tuesday, December 10, 2019
More

    Wasiir Cawad oo ka jawaabay Warkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya. “Kiiskii Badda Maxkamadda ICJ ayuu…”

    Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenay Uhuru Kenyatta looga hadlay xiriirka labada dal sidiisii hore lagu soo celiyo.

    Wasiir Cawad ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, iyado aanu kiiska dacwadda badda ee yaalla maxkamadda ICJ wax saameyn ah ku yeelan, wuxuuna yiri: “Kiiskii Badda ee yaallay maxkamaduu jirayaa.. arrinta khilaafka badda ku saabsan wuu caddeeyay madaxweynaha inuusan xumeynin xiriirka labada dal.. iyado arrintaas la ogyahay ayaa lagu heshiiyay in labada dal uu xiriirkoodu caadi noqdo..” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo u warramay VOA-da.

    Ad

    Isagoo la weydiiyey warka kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ee ahaa in madaxweyne Farmaajo uu kalsooni ka muujiyey in kiiska Badda si xal la isla ogol yahay loo helo ayuu wasiir Cawad sheegay in arrinta badda uu caddeynayo in kiiska Maxkamadda jira ay Maxkamadda kala saareyso, laakiin ay labada dal u baahan yihiin inuu xiriirkoodu wanaagsanaado.

    “Qofka u baahan in loo sharxo waqti ayey qaadaneysaa.. Soomaalida waxay jeceshay inay wasiirka dalka kale maqasho oo wasiirkooda ay maqli waayaan.. aniga dhigeeda ayaan ahay.. wixii lagu heshiiyey iyo codadka madaxweynayaasha waa duuban yihiin” ayuu yiri wasiirka oo diiday hadalkii Wasiirada Kenya.

    Mar la weydiiyey in labada madaxweyne ay isla soo qaadeen arrinta Jubbaland oo Kenya ay taageereysay Axmed Madoobe, laakiin jawaab kama bixin, isagoo sheegay in saacado badan ay wada joogeen labada madaxweyne oo arrimo badan ka wadahadli karaan.

    HOOS KA DHAGEYSO

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,570FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,592FollowersFollow
    131,570FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,592FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!