Tuesday, June 24, 2025

Wasiir Ceynte oo jawaab kulul u diray odayaasha Hawiye ee sheegtay lahaanshaha Muqdisho

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa jawaab kulul ka bixiyay dooda ka taagan lahaanshaha magaalada Muqdisho iyo caasimadda Soomaaliya oo odayaal wasiirka beeshiisa kasoo jeeda ay sheegeen dhowaan inay tahay magaalo ay beeshooda leedahay inta kalena ay marti ku yihiin. {DHAGEYSO WARKAASI}

Wasiirka C/raxmaan Ceynte ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in hadalkii kasoo yeeray Odayaasha Muqdisho uu ahaa mid dadka kala irdheynaya, gefna ku yahay Diinta & dhaqanka Suuban, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “MUQDISHO WAA LOO SIMAN YAHAY”.

Dhinaca kale isla wasiir Ceynte ayaa luqada Ingiriiska ugu yeeray Odayaasha ka hadlay lahaanshaha Muqdisho kuwo odayaal dhaqameed isku sheeg ah, isagoo adeegsaday ereyga “so-called traditional elders” taasoo wasiirku si toos ah u beegsaday Odayaasha beelaha Hawiye.

Muranka ka taagan lahaanshaha  Muqdisho ayaa la jaanqaadaya iyadoo aan lagu guuleysan in sharci gaara loo sameeyo caasimadda dalka tan iyo sanadkii 2000 oo dowladii Carte Xeerkii lagu dhisay lagu sheegay in Maqaam gaara ay yeelam doonto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa isna qormo uu lahaanshaha Muqdisho ka qoray si cad ugu taageeray in Muqdisho aan loo sinneyn oo dad gaara leeyihiin {AKHRI QORMADA WASIIRKA}.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON