Guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa maanta dhaariyay wasiirka wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Kulanka dhaarinta oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kusimaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu si wanaagsan shaqadiisa u guto.
” Mudane Wasiir golaha shacabka waxa uu ka filayaa inaad si wanaagsan ugu soo baxdo masuuliyada ku saaran, waxan kula dardaarmaya inad joogteyso ka soo qeyb galka kulamada golaha oo aadan keliya ahmiyad siin shaqada wasaarada lagu magacaabay ogsoonow golaha shacabka wa uu kula xisaabtamaya”. Ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.