Wasiirka Warfaafina xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar (Dubbe) ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay arrinta duqeynta Kenya iyo ciidamada ku maqan dalka Eritrea.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowlada uu noqdo Qof qaangaar ah ee aanu jirin qof lagu qasbo inuu ciidan noqdo, isagu u doorto inuu dalkiisa difaaco, wuxuuna ku dooday in arrinta tababarka ciidamada ay tahay sir Qaran.
“Tababarka ciidamadu waa Sir Qaran… Ssiyaasiyiinta dunida kama hadlaan tababarka ciidamada… Ciidamo dalkooda u maqan oo tababarkoodu u dhammaaday oo gabagabo yahay ayaa mar waliba laga hadlaa si shacabka Soomaaliyeed looga jeediyo xasuuqa caddowgu ka wado Gedo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
“Ciidamado waa caafimaad qabaan, waa inoo soo socdaan, waana inoo imaanayaan,.. Marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdaan maxay u yimaadeen..?” ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Warbixinta UN-ka ee ku sabasan in ciidamada Soomaaliya la geeyay Gobolka Tigray ayuu sheegay in ay tahay waxba kama jiraan, ayna ka qaateen wararka ay Facebook ku qoreen siyaasiyiinta.
Wuxuu Wasiirku ku dooday in Itoobiya aysan u baahneyn ciidamo Soomaaliyeed oo ciidamo badan ay heysato, isla amrkaana aysan jirin wax ciidan ah oo la geeyay Tigray, waqooyiga Itoobiya.
