Saturday, July 5, 2025

Bannaanbax Farmaajo looga dalbanayo soo-celinta Askarta ku maqan Eritrea oo ka bilowday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho goor dhoweyd ka bilowday bannaanbax lagu dalbanayo in dib loo soo celiyo askarta ku maqan dalka Eritrea.

Bannaanbaxa oo ay dhigayaan waalidiinta ay wiilashaasi ka maqan yihiin iyo dadweyne kale ayaa ka bilowday isgoyska KM4 ayaa dadku sitaan boorar lagu cambaareynayo madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxay dalbanayaan inay xog dhammeystiran ka helaan wiilasha ka maqan mudod 2 sano ah, dinba loogu soo celiyo dalka, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah maamulka Farmaajo.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay soo baxday warbixin ku saabsan xaaladda Xuquuqda Aadanaha dalka Eritrea oo lagu sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababarka u joogay dalka Eritrea loo qaaday Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Siyaasiyiin badan ayaa ka dalbaday madaxda dowladda Federaalka inay arrintan ka hadlaan oo xaqiiqada ka sheegaan, iyadoo weli aanay wax War ah kasoo bixin Hay’adahad Dowladda Federaalka.

May be an image of 1 person, standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing and road

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON