Sunday, June 22, 2025

Wasiir Fiqi oo shaaciyey Qorshe Gaarigiisa lagu Qarxin lahaa & magacyada xubnihii ka danbeeyay

Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa shaaciyay inuu ka badbaaday isku day dil oo ay u qorsheeyeen kooxaha argagxisiada markii howlgal ay qaadeen ciidamada Amniga iyo Ciidamada Danab.

Wuxuu sheegay in howlgallo lagu guuleystay laga fuliyey magaalada Gaalkacyo, markii ay iska kaashadeen Ciidamada Amniga iyo kuwa Danab, isagoo shaaciyey in la qabtay Miino la doonayey in Gaarigiisa lagu dhejiyo si loogu waxyeelo isaga.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay in dabagal lagu soo qabtay nin lagu magacaabo Aweys Macalin Maxamed oo iska dhigayey Ganacsade Biyaha iibiya, kaasoo waday Miinada lagu dhejin lahaa Gaarigiisa, kaasoo xog laga helay kashifay amiirkii degaanadaasi u qaabilsanaa Alshabaab oo kasoo jeeda Laascaanood, laguna magacaabo Maxamed Xasan Faarax.

Ad

Ninkan ayaa dagaal la galay ciidamada Amniga, isagoo watay Bistoolad, waxaana toogasho ku dilay ciidamada Amniga, iyadoo shalay la soo bandhigay meydkiisa iyo hubkii uu watay.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa caddeeyay in ninka la dilay iyo kan la qabtay ay ka dambeeyeen falal dad badan lagu laayey Koonfurta magaalada Gaalkacyo, wuxuuna shacabka Galmudug ugu baaqay inay gacan siiyaan ciidamada Amniga, si argagixisada looga adkaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON