Thursday, December 8, 2022

Wasiir Fiqi oo sheegay inuu Lafta-gareen hoggaamin doono dagaalka K/Galbeed ee Alshabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab uu ka furmi doono degaanda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo uu hoggaamin doono madaxweynaha maamulkaasi.

“Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka curanaya mar dhow “Deyrta Dib u xoraynta” oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Dawlad Goboleedka Koofur waxaa iiga muuqda isbdel iyo koboc weyn, kala danbayn iyo modaal dawladnimo”.” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Isagoo ka qeyb galay xafladda maamulka cusub ee magaalada Xudur ayuu sheegay inkastoo cunaqabataynmagaalada saarnayd 10 sano ka badan, haddana reer Xudur ay yihiin dad ku faraxsan maamulkooda cusub ee ay dhisteen iyo jabka furimaha kala duwan uga socda Khawaarijta.

Ad

“Ololaha Dib u xoraynta oo Koofur Galbeed ay aayadeeda ka qaadato waxay ka dhigan tahay dhammaadka maalmihii kooxda Khawaarijta iyo xirmashada albaabkii cabsida, qaraxa iyo maata-laysnimada” ayuu Wasiirka Arrimaha gudaha ku yiri qoraalka uu soo saaray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!