Kulanka 26-aad Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta furmay, iyadoo ay soo xaadireen 141 xildhibaan.
Shirka oo ay ku sugnaayeen Guddoonka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, waxaana looga hadayaa ajendeyaasha kala ah: Hinidse Sharciyeedka Dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha iyo Akhrinta koowaad ee heshiiska Waxbarashada Turkiga iyo Soomaaliya.
Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta hor-tegay kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna Baarlamaanka ka hor akhriyey qodobada heshiis waxbarasho oo dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Wasiirka ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka dalbaday inay meel mariyaan heshiiskan oo uu sheegay in uu muhiim u yahay labada dowladood.


