Sunday, July 13, 2025

Wasiir Goodax oo Jawaab Culus u diray Siyaasi Cali Xaaji, soona dhoweeyay faahfaahin ay bixisay Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre aaa soo dhoweeyay faahfaahinta Maamulka Puntland kya bixisay xiisadii kala dhaxeysay Gobolka Hiiraan, isagoo dhinac kale jawaab culus u diray siyaasiga Cali Xaaji oo warkiisii hore cambaareeyay.

“Waxaan bogaadinayaa Maamulka Puntland faah-faahinta iyo fasiraada dheeriga ah ee ay ka baxsheen xiisadda ka taagneed Puntland iyo Hiiraan. In la isku garaabo waa wanaag. Waxaan ku amaanayaa in ay dib u qiimeeyeen xiriirka soo jireenka ah ee dhaqan-dhaqaale oo u dhexeeya labada deegaan. Xiriirkan waxaa ku baraaray shacabka iyo ganacsatada labada dhinac..” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka wuxuu jawaab culus u diray siyaasiga Cali Xaaji Xirsi oo wasiir kasoo noqday maamulkaasi, wuxuuna u soo qaatay aayad Qu’raan, isagoo yiri: “Wuxuu Alle nagala dar-daarmayaa in fashil ay tahay in Sadaqada lagu manna sheegto. Reer Puntland waa dad Gob ah oo wax quur leh, dhaqanna u leh in wixii ay sadaqaystaan ayan ka daba tegin oo aysan ku hadlin. Sida saaxiibkay, Cali Xaaji – “Siyaasigii Sadaqa Ka Daba Hadlay” oo kale ma’ matalo Puntland mar haddii uu aayadii Eebane baal maray (waliba dadka wuxuu u sheegtaa in uu diinta bartay – diin la barto oo aan lagu dhaqmin shirki ayay dugaashaa).

Wasiir Goodax ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Reer Hiiraan ay la gudboon tahay in Cali Xaaji iyo inta kale ee siyaasi sadaqa ka daba hadlay inay iska cafiyaan, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay Puntland u dhasheen, bale aysan dhihin.

Siyaai Cali Xaaj ayaa u jawabay Wasiir Goodax markii uu cambaareeyay go’aankii Puntland la sheegay inay joojisay in raashin laga saaro maamulkeeda, isagoo soo qaatay sawir mucaawinadii ay dadka Puntland soo gaarsiiyeen magaalada Beledweyne xilligii fatahaadda wuxuuna qoraal kooban ku yiri “Wasiir haka abaal-ka-dhicin shacabka Puntland”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON