Monday, July 14, 2025

Wasiir Goodax oo ku dhawaaqay dhismaha Guddi ay ka hor timid Wasaaradda Warfaafinta. “Guddigan laguma dhisin 4.5..”

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa daah furay dhismaha Guddiga Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska.

Guddigan oo ay xubno ka yihiin wasaarado, hay’ado dowli iyo ururada rayidka ah ayaa la sheegay inuu kaalin ka qaadan doono horumarinta iyo wadashaqeynta hay’adaha UNESCO, ISESCO IYO ALESCO, waxaana ka dhax muuqday xubno laga soo xulay wasaaradaha qaarkood iyo ururada bulshada.

Wasiir Goodax oo khubad ka jeediyey xafladda daah furka Gudigan ayaa sheegay inuu ku yimid muddo dheer oo Soomaaliya ay ka maqneyd ururada caalamiga ah, ayna Hay’adda UNESCO ee Q/Midoobay iska garteen inay dib loo dhiso Guddigan oo uu caddeeyay inaan lagu qeybsan 4.5 ee uu ku yimid aqoon.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka hor timid Guddigan, waxaana qoraal kasoo baxay maanta lagu sheegay in dhismaha Guddigan ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, balse ay fara-maroorsaday Wasaaradda Waxbarashada.

Xubnaha Guddigan waxaa ka dhex muuqday ninka sheegta guddoomiyaha ururka Qaran ee saxafiyiinta oo aanay aqoonsaneyn wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, balse saaxiibo gaara la ah wasiiro ka mida xukuumadda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON