Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada fowdada ka sameeyay fadhigii Baarlamaanka inay yihiin Alshabaab.
Xildhibaan Goodax oo saxaafadda kula hadlayey xarunta baarlamaanka markii kulankii Baarlamaanka loo xiray fowdo ay dhigeen qaar ka mida xildhibaannada ayaa ku tilmaamay xildhibannadaasi inay la shaqeeyaan Alshabaab.
“Waa wax laga xumaado xildhibaannada maanta diiday in baarlamaanka Soomaaliyeed uu xog ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo.. xildhibaannadaasi waa Shabaab… kan aya ka mida meesha marayo… waxay rabeen inay farriin Shabaab halkan uga diraan… maanta waa maalin weyn hala barto xildhibannadii meeshan soo siiaagay ee fowdadda ku kacay waa Shabaab…” ayuu yiri xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.
Wasiir C/llaahi Goodax
Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa hareeyay qas iyo fowdo ay dhigeen xildhibaannada kasoo horjeeda xukuumadda.