Thursday, June 26, 2025

Wasiir hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi F. Juxa: “Dalku waa dacan yahay, kalsooni xumo siyaasadeed ayaana jirta..”

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dardaar weriyay xaaladda dalka ku jiro xilligan iyo halka ay mareyso siyaasadda lagu hoggaamiyo dalka.

“Dalkani maanta sidiisaba waa nugul yahay, waana daalan yahay, dadkiisu siyaasad ahaan iyo amniba waa dacan yihiin, meel fogna waa laga yimid, dhaqaalo ahaana sabool baanu nahay, kalsoonida shacabkuna way kala daadsan tahay oo kalsooni xumo siyaasadeed ayaa jirta, dadkuna waxay u baahan yihiin isku wad iyo isu dulqaadasho oo furaha u ah in meesha la joogo horay looga sii socdo si taa loo gaaro, dalku waa in uu ahaadaa talo wadaag.” Ayuu yiri Wasiir Juxaa oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in loo baahan yahay dood laga yeesho halka loo socdo, wuxuuna yiri: “Arrimahaas iyo kuwo kaleba si loo gaaro waxaa loo baahan yahay in dalkan uu yeesho dood, dood caafimaad oo dhab ah xasaasi ah, mararka qaarood xanuun badan, laakiin aan qofaysnayn, aan siyaasadaynayn, aan danaysanayn, balse Soomaaliyaysan, oo mustaqbalka ku wajahan, taa ayaa loo baahan yahay taas ayuu caafimaadka ku jiraa, labadaa doodood oo kala gadisan iyo afkaartaa kala gadisan dhexdooda ayaa xalka Soomaaliya ku jiraa.”

Wasiirkan oo xilka laga qaaday isaga iyo laba wasiir oo kale ayaa ka mid ahaa wasiiro ay is qoonsadeen oo ay wada shaqeyn waayeen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON