Sunday, June 22, 2025

Wasiir hore oo dalbaday in la baaro Wada-shaqeynta Farmaajo kala dhaxeysa Alshabaab

Xildhibaan iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ka dalbaday Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka inay baaritaan ku sameeyaan xiriirka madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo kala dhaxeeya Alshabaab.

Goodax oo ka falcelinayay warar la iska dhex marayo baraha bulshad oo ku saabsan inuu Farmaajo wado qorshe lagu fashilinayo dagaallada ku socda Alshabaab ayaa qoraal uu so saaray ku yiri:

“Inta aan ka aqaan Farmaajo, marnaba raalli kama ahayn la-dagaalanka khawaarijta UGUS, taa waxaa u dheereyd isir nacaybka gobollada iyo beelaha qaar uu ku bartilmaameedsanaayay muddadii uu xilka hayay..”

Ad

Wasiirka oo hore ula soo shaqeeyay Farmaajo, marna ka mid haaa siyaasiyiinta ugu dhow ayaa sidoo kale qoraaalkiisa ku yiri; “Waa ayaandarro iyo nasiib xumo weyn in isagoo Ankara jooga uu ku hawlanyahay fashilinta la dagaalanka UGUS. Hay’adaha amniga waxaa ku waajibay in ay baaraan wadashaqaynta Shabaab iyo Madaxweynihii hore, cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan arrintan hala wadaagaan hay’adaha amniga”.”

C/llaah Goodax barre wuxuu sioo jediyay: “Waxaan ku boorinayaa qof kasta oo uu soo waco Madaxweynihii hore in laga duubo codka si bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga loola wadaago dhagartiisa iyo jaa’ifada uu dalka iyo dadkaba ku haayo”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON