Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa galabta Maqribkii gaaray degaanka uu kasoo jeedo ee Dhahar, kadib markii uu maanta ka degay Garoonka magaalada Garowe.
Isagoo lagu soo dhoweeyay magaalada Dahar ayuu wasiir jamaal sheegay inaysan ahayn arrin sahlan inay kasoo degaan garoonka Garowe oo ay qolyo isku dayeen inuusan Garowe tegin, arrintaasina ay go’aan ka qaadan doonaan, sida uu yiri.
“Nooma sahlaneyn inaan Garowe Nimaadmo, qolyo ayaa isku dayey inaanan Garowe imaan, horena way noogu adkaatay inaan isu nimaadno. Waad maqasheen qolyaha isku dayey inaanu kulankeenu dhicin” ayuu yiri Wasiirka oo dadweyne soo dhoweeyay kula hadlay magaalada Dhahar.
Wuxuu sheegay in wixii dhacay ay ka tashan doonaan, isla markaana uu Dhahar u tegay inuu arko qeybaha bulshada, ayna wadahadal yeeshaan, waxqabadkii hore mid ka weyn uu wado, ayna isku tashanayaan.
“Waxyaabaha aad maqleysaan ee siyaasadda ah ee dhacaya qabiil maaha, reer maaha waa wax shaqsiyaad, siyaasiyiin iyo Dad qowleysato ah wataan..” ayuu yiri Wasiir Jamaal oo dadka reer Dhahar ugu baaqay inay nabadooda ilaashadaan.
Maanta ayey ahayd markii la sheegay in dad Garoonka Garowe kusoo dhoweyn lahaa laga hor istaagay wasiirka, laakin mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay inaysan arrintaasi jirin oo uu wasiirku xaalad abuur ahaan u faafiyey.
