Thursday, June 26, 2025

Wasiir Jengeli oo si dirqi ah ku helay Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka, kadib tartan adag

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista dowladda Soomaaliya ayaa dirqi ah ugu guuleystay xildhibaanada kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho si weyn loogu loolamay oo maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa beesha Dhulbahante soo sharaxday 4 xubnood, waxayna natiijadii wareega koowaad
noqotay:

jangeli

Cali Axmed Jaamac (Jangeli):    17 cod
Jaamac xasan khaliif:                17 cod
Cabdifatah Maxamuud Camey:  11 cod
Cabdi Jaamac Xaaji Gallad:        6 cod

Wareegii  labaad waxaa isugu soo haray Cali Axmed Jaangeli iyo Jaamac Xasan Khaliif, waxayna natiijadii noqotay:

Cali Axmed Jaamac Jaangeli:   30 cod

Jaamac Xasan Khaliif:              21 cod

Wasiir Jangeli oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda, isla markaana soo qabtay xilal wasiiro oo kala duwan ayaa cabsi soo wajahday wareegii kowaad, kadib markii ay isku cod noqdeen Jaamac Xasan khaliif, inkastoo wareegii labaad uu guuleystay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON