Sunday, July 13, 2025

Wasiir ka tirsan Britian oo farriin degdeg ah soo gaarsiiyay Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska

ee gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho kulan kula yeeshay xildhibaanka laga soo doorto Bariga Bournemouth ahna wasiir ka tirsan xukuumadda Ingriiska ee qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe  Tobias Ellwood.

Wasiirka ayaa dhambaal qoraal ah oo ka yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska ka guddoomay, waxayna ka wadahaldeen xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka, Isagoo wasiirku sheegay inay isla gareen madaxweynaha sida loogu baahan yahay in lagu dhaqsado geedi socodka doorashooyinka arrimaha nabadgelyada.

Wasiirka reer Britian ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo isla arrinta doorashooyinka ay ka wadhadlen, waxaana fariintiisa wasiirka ay ku soo beegantay iyadoo shirka Madasha uu furmayo beri, isla markaana hubanti la’aan ka jirto xilliga ay qabsoomeyso doorashada 2016.

UK oo xubin joogto ah ka ah Golaha ammaanka ayaa dooneysa in la fuliyo qaraarkii Golaha ee ahaa inaysan jiri doonin wax muddo kordhin ah oo ay sameysan karaan Hay’adaha dowladda uu hogaamiyo  Xasan Sheekh ee waqtigoodu dhammaanayo, waana farriin cad oo la soo gaarsiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha jiritaanka qaraarkaasi.

Cumar-All

Hassan-All-2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON