Monday, July 14, 2025

Wasiir ka tirsan Dowladda Imaaraadka oo ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya in abuureyso xiisad aan loo baahneyn

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku kacday khaladaad ay ku jebisay heshiisyo iyo is-faham kala dhaxeeyay dowladda Imaaraadka.

Wasiir Qarqaash oo ku caan baxay inuu yahay mas’uulka ugu horeeya ee Imaaraadka oo ku dagaalama warbaahinta xiisadii Khaliijka ayaa  ku sheegay farriin uu soo dhigay twitter-ka inay xukuumadda Soomaalida jebisay heshiisyadii hore ee Imaaraadka kala dhaxeeyay iyadoo abuureysa xiisad aan loo baaheyn.

Wuxuu intaas ku daray inaan loo baahneyn khilaaf ay la gasho dal saaxiib la ah oo isbaheysi la leh oo taageero barbar istaagay xasiloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya xilliyadii ugu adkaa.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa ugu baaqay xukuumada Soomaaliya inay la timaado caqli iyo xikmad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON