Tuesday, June 24, 2025

Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Dil ugu hanjabay xubin kamida Guddiga Doorashada

Xubin ka mida Guddiga Doorashada heer Federaal ayaa sheegtay in wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya uu dil ugu hanjabay.

Fardowsa  Maxamed Ducaale oo ka tirsan guddiga Doorashooyinka dadban ayaa ku eedeysay Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga ee federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa inuu ku handaday dil.

Fardowsa oo wareysi siiyay mid ka mida Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegtay in wixii ku dhaca nafteeda uu masuul ka yahay maxamed Cali Xagaa.  “Haddii doorashada ka bacdi iyo inta doorashada lagu jiro ay wax isoo gaaraan, waxaa I dilay Maxamed Cali Xagaa” ayayna tiri oo ku eedeysay wasiirka iyo awoodda uu dowladda ka hayo u adeegsanayo.

Haweeneydan oo ka mida Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegtay in wasiirka u hanjabay ay isku beel yihiin, isla markaana uu ku qoonsaday dhexdhexaadin ay ka dhex sameysay odayaal beesha ka tirsan oo isku qabtay ergada.

Waa eedeyntii ugu weyneyd ee si rasi ah saxaafadda loogu shaaciyo ku saabsan cag-jugleynta iyo isu awood sheegashada ka jirta doorashada 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON