Tuesday, June 24, 2025

Wasiir ka tirsan Jubaland oo shaaciyay magacyada Kenyaati geystay Qaraxyadii Hoteelada Muqdisho

Wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku lug lahaayeen rag Kenyaati ah oo Alsahbaab ka tirsan.

Wasiirka Amniga maamulka Jubba C/rashiid Xasan C/nuur oo isaga iyo wafdi ka socda maamulka Jubaland ku sugan yihiin magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ayaa kulan ay la yeesheen Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia ku sheegay in rag Kenyaati ay ah qeyb ka ahaayeen qaraxyadii waaweynaa ee ka dhacay hoteelada Muqdisho.

Wasiir C/rashiid ayay saxaafadda Kenya ka soo xigatay in saddex Kenyaati ah ay mas’uul ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 1 ee magaalada Muqdisho 26-kii July 2016 oo in ka badan 20 ruux ay ku dhinteen.

“Waxaan heynaa Kenyaan weeraro waaweyn ka abaabulay Soomaaliya, waxaana ka mida Yuusuf Cabdi iyo Isaaq Gola, dhibaatadii ay geysteen waxaa laga dareemayaa labada dalba” ayuu yiri Wasiirka Amniga Jubba

Weerarkii hotelka Naasahablood ayuu sheegay inuu geystay Kenyaati reer Mandheera ah oo lagu magacaabo Isaaq Ibraahim Dayati. “Argagixisadu Soomaaliya kaliya kama timaado, meel waliba ayaa laga helaa” sidaa waxaa yiri C/rashiid Xasan Wasiirka Amniga Jubba.

Wafdiga Jubbaland ee tegay Mandheera waxaa wasiirka Amniga ku wehliya Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed, Wasiirka xanaanada xoolaha Jubba  Maxamed Nuur Buule, iyo wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Cabdi Kaliil.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON