Wasiirka Maaliyadda maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inuu qaadacay Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib markii dowladda Somalia ay isaga si gaara ugu casuuntay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuusan isagu ka qayb galeynin shirkaasi, isla markaasna aysan jirin wax ergo ah oo ay Jubbaland u dirtay shirka, isagoo cambaareeyay qaabka ay madaxda Dowladda Federaalka u garab mareen habkii protokool-ka casuumaada shirka.
“Casuumaadda la soo diray ma ahayn mid toos ah, waxaan ku aragnay baraha bulshada, tbn kale Casuumaadda Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la yiraahdo Wasiirka Maaliyadda ayaa la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahayn” ayuu yiri Wasiir C/rashiid Jirre oo hore uga qeyb galay shirkii Addis ababa ee Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyad .
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qabanqaabisay shirkan ayaa maamulka Jubbaland casuumaad u dirtay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo hadda ah sii-haye wasiir, waxayna xukuumadda Soomaaliya hore u sheegtay inay sharci darro tahay oo aanay aqoonsaneyn doorashadii Axmed Madoobe.