Wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarka Alshabaab ku qaaday hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Wasiirkii arrimaha gudaha K/Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ku geeriyooday weerarka Alshabaab ku qaadeen hotelka oo uu ku sugnaa xilligaasi, waxayna wararku sheegayaan in qolkii uu ka deganaa hotelka lagu dilay, isagoo ka mid noqdy mas’uuliyiinta ku dhintay Hotelka Naasa-hablood 2.
Wararka naxdinta leh ee laga helayo hotelka ayaa sheegaya in haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay oo ku cararray Qolka Wasiir Nuunow iyaguna toogasho ay ku dishay dableyda Alshabab.
Allaha u naxariistee Madoobe Nuunow ayaa hore u soo ahaa muddo dheer xildhibaan ka tirsan dowladda Federaalka iyo wasiir, isagoo soo qabtay xilalka wasiirka warfaafinta dowladii C/llaahi Yuusuf iyo Wasiirka Dastuurka dowladii Sheekh Shariif.
Waxaa qaraxyada iyo weerarka lagu qaaday Hotelka ku dhintay Ex. Xildhibaan C/Naasir Gaarane iyo taliyihii booliska degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Goobjooge
AKHRISO: Magacyada mas’uuliyiin iyo Saraakiil ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho