Wednesday, June 25, 2025

Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in rasaas ay fureen rag hubeysan lagu dhaawacay Wasiiru dowlihii wasaaradda dekaddaha Puntland Axmed Saciid Cabdi.

Dhaawac wasiirka ayaa yimid kadib markii wado mashquul badan oo uu marayey magaalada Boosaaso rasaas ka dhacday, taasoo haleeshay gaarigii uu la socday kadibna dhaawac kasoo gaaray, waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Bosaso.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen raggii rasaasta furay ee ka dambeeyay dhaawaca Wasiir dowladaha, iyadoo baaritaan lagu hayo.

Wasiiru-Dowlaha Dekaddaha Puntland Axmed Saciid Cabdi ayaa la sheegay inay xaaladiisu degan tahay.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON