Sunday, August 3, 2025

Wasiir ka tirsan xukuumadda oo ciidamada dowladda ku eedeeyay Baad ay ka qaataan Dadka Muqdisho

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Xilgaarsiinta Cumar Cali Rooble ayaa ku eedeeyay ciidamada Amniga dowlada ee ku sugan koontaroolada laga soo galo caasimadda Muqdisho inay lacago baad ah ka qaataan gaadiidka iyo mootooyinka.

Wuxuu sheegay wasiirka inay sharaf dhac ku tahay iyo shaqada ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa booliiska in dadka shacabka ah lacago baad ah ka qaadanayaan ciddii aan bixin lacagahaas Baadda ahna ay wadadda dib uga celiyaan, wuxuuna ku baaqay in arrintaasi wax laga qabto.

“Ciidamada Amniga ee jooga Goobaha hubinta waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin. Gaadiidka iyo weliba Mootooyinka aan lacag baad ah dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Ciidamada Amniga ee jooga baraha Koontarool ayaa dadka gaadiidka wata muddo dheer ka qaadanayey lacago markii hore ku bilowday Shaxaad, kadibna isku bedelay qasab wadadda looga celiyo, waxayna xaaladda kasii dartay muddooyinkii dambe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON