Tuesday, June 24, 2025

Wasiir ka tirsan Xukuumadda, Sheekh Caan ah iyo Dad laga soo badbaadiyay Hotelka Naasahablood 2

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xubno isugu jira wasiiro iyo culimaa’udiin laga soo badbaadiyay Hotelka Naasahablood 2 oo ay qabsadeen dabley ka tirsan Alshabaab oo weerar ku galay.

Dadka hotelka laga soo badbaadiyay waxaa ka mida: Wasiirka Biyaha iyo  Tamartaxukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Cali Wajiis oo ka mida culimada waaweyn ee dalka iyo dad gaaraya 30 qof.

Waxaa la rumeysan yahay in dad kale ku xayiran yihiin hotelka, ayna dhici karto in qaar lagu dilay rasaasta iyo qaraxyada ay ridayaan maleeshiyada Alshabaab.

Hotelka Naasahablood 2 ayaa u dhow madaxtooyada wuxuuna fadhi u ahaa dad isugu jira mas’uuliyiinta dowladda, waxgarad, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa weli laga maqlayaa saqda dhexe kadib magaalada Muqdisho iyadoo hotelka dhexdiisa ay ku dagaalamayaan ciidamada NISA iyo dableyda Alshabaab.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON