Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaliya ayaa kusoo baxay, si fududna ugu guuleystay kursi ka mida Baarlamaanak Federaalka Soomaaliya.
Doorasho ka dhacday magaalada Garowe ayaa kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka waxaa ku guuleystay Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, kadib markii uu la tartamay Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.
Wasiir Jamaal ayaa helay 49 cod, waxaana xumaaday 2 cod, iyadoo musharaxa la tartamayey ee Maxamuud Cabdullaahi Maxamed aanu helin wax Cod ah.
Hore aya soo saadaaliyey inuu wasiirku ku soo bixi doono kursigan, isagoo ku soo biiraya wasiirada ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ee xildhibaannada ah oo hore u ahaa kuwa tiro badan.