Doorasho adag oo loo galay kursiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa kusoo baxay Wasiir ka tirsanaa Puntland.
Doorashda ay isku soo sharxaan musharixiinyii ugu badneyd, waxaana wareegga labaad isugu soo haray Senator Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde), Senator Cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag), Senator Ilyaas Badel Gaboose iyo Senator Xasan Xuseen Xaaji.
Waxaa tanaauslay oo ka haray tartanka Senator Ilyaas Badel Gaboose iyo Senator Xasan Xuseen Xaaji, iyadoo markaas wareegga addexaad loo gudbay ayna ku tartameen : Senator Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) iyo Senator Cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag).
Senator Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa helay 30 cod, isagoo ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka alabaad ee Aqalka Sare, halka Cabdullaahi shiikh Ismaaciil (Fartaag) uu ka helay 23 cod.
Senator Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa ahaa wasiirkii Warfaafinta maamulka Puntalnd inta uusan noqon Senator ka tirsan Aqalka Sare.
