Saturday, July 12, 2025

Wasiir Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo la wareegay maamulka Madaxtooyada [Sawirro]

Wasiiru dowlaha cusub ee  Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur ayaa maanta xilka kala wareegay wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

Xil wareejinta oo ka dhacay Villa Somalia ayaa soo gabagbeysay muddo afar sano ka badan oo Madaxtooyada ay ka arriminayeen taageerayaasha madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay in kooxdii Damjadii ee siyaasadda ku soo booday ay ka idlaatay talada dalka oo madaxtooyada ay hadda maamulkeeda la wareegtay kooxda Ahlu suna.

C/qaadir Macalin Nuur oo kamida kooxda Ahlu sunna ayaa hore ula oo shaqeeyay madaxweyne Farmaajo xilligii dowladii KMG ahayd ee Ra’iisal wasaaraha ka ahaa, waxaana dhinac siyaasadda ay ku dagaalameen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka hor istaagay inuu Aqalka sare soo galo.

Khaliif C/qaadir ayaa wax la yaab leh iyo amar Alle ku macneeyay inuu xil weyn maanta qabto, madaxweynihii horena dib u soo laaban waayo.

Goobjoogecom

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON