Wasiir Kuxigeen ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu xukuumadda Soomaaliya u hayey.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Khaliif Dhalac ayaa Caawa shaaciyey inuu iska casilay xilkiisa, isagoo sabab uga dhigay faragelinta ay dowladda Somalia ku heyso maamulka Galmudug oo maamul cusub loo sameynayo dhowaan.
Qoraal warbaahinta gudaha u sheegay inuu isu casilay faragelin ba’an ee xukuumadda Soomaaliya ay gacanta kula jirto maamul u sameynta Galmudug, isagoo sheegay inaan la aqbali karin sida xukuuumaddu u wado Maamul u sameynta oo sida uu sheegay keeni karta dib u dhac siyaasadeed
C/kariin Dhalac dhinaca kale waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, isagoo hore u ahaa saaxiib u dhow Ra’isal wasaare Kheyre.