Friday, July 11, 2025

Wasiir laga adkaaday iyo wiil dhalinyar oo ku soo baxay Xildhibaan Doorashadii Kismaayo

Dhacdo kale oo xusid mudan ayaa laga soo calaamadeeday maanta magaalada Kismaayo kadib markii wasiir u tartamay kursi xildhibaan aqalka hoose laga adkaaday.

Wasiiru dowlaha  wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos) ayaa looga adkaaday Kursiga Xildhibaanimo ee beesha uu ka soo jeedokaddib doorasho ka mida kuwa la yaabka leh oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

beckosMudane  Bekos ayaa ah siayasi muddo dheer soo ahaa xildhibaan, marna isu sharxay xilka madaxweynaha, isagoo ka soo jeeda Beesha Hubeer ee  Mirifle ayaa waxaana kursigii uu ku qaangaaray ka soo bixiyay wiil dhalinyaro ah lagu magacaabo Cabaas Siraaji, kaasoo ku cusub gebi ahaan siyaasadda.

bekcos1Cabaas Siraaji waxa uu helay 42 cod, halka Maxamuud Cabdi Xasan Bekos uu helay 9 cod oo qura, taasoo keentay in taageerayaasha wiilka yari ay dabaaldeg ka sameeyaan goobta.

Doorashooyinka ka dhacaya magaalada Kismaayo ayaa fursad ay ka heleen xubno da’ yar oo ku soo baxay xildhibaanno, halka magaalooyinka kale ay u muuqdaan inay u janjeeraan xildhibaanadii hore.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON