Friday, July 18, 2025

Wasiir laga joojiyay inuu u tartamo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya [Waa kuma?]

Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Jubbaland ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ka joojiyay inuu u tartamo kursiga ka mida Aqalka hoose.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tartamayay Kursiga Beesha Gaaljecel ee yaalla magaalada Kismaayo ayaa go’aankan ku dhacay kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay shuruucdii iyo habraacii u degsanaa hanaanka doorashooyinka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay wasiirku.

mmukhtaar
Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim

Wasiir Maxamed Mukhtaar ayaa lagu soo eedeeyay inuu isku dayay laaluush uu siiyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo inuu xalay ergadii codka lahayd Hotel ku soo xirtay, kana urursaday Telefoonoodi gacanta.

QORAALKA GUDDIGA HOOS KA AKHRISO

warqad1

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON