Thursday, July 31, 2025

Wasiir Maaliyadda oo shaaciyay in Mushaarkooda la siiyey dhammaan shaqaalaha dowladda [Dhageyso]

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan jirin mushaar ka maqan shaqaalaha dowaldda.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in xilligii hore ay jirtay bilo mushaar la qaadan sida bisha December, basle ay xuquuqdooda siiyeen shaqaalaha dowaldda.

“Maanta haddii ay jirto cid wax nagu leh waa yar tahay, dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre waxaa ka go’aan in shaqaalaha ay xuquuqdooda helaan..” ayuu yiri Wasiirka oo u warramay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle
Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle

Wuxuu sheegay inay dhammaatay in la musumaasuqo Mushaar shaqaale loogu talo galay, isagoo tilmaamay in wax cabasho  ah haatan uusan soo gaarin Wasaarada maaliyada oo ku aadan in qof shaqaale ah oo ka cabanaya mushaarkiisa oo aan la siinin.

Wasiir Beyle ayaa  ugu baaqay shacabka inay bixiyaan Canshuurta, si hormar loogu gaaro daqliga soo gala Dowlada Soomaaliya iyo midka ka baxa.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON