Sunday, July 13, 2025

Wasiir Maareeye: “Gedo gaar kuma aha Ciidamada milateriga shaqadooda ayey qabsanayaan, gobol kastana waa tegayaan”

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa difaacay ciidamada dowladda Soomaaliye geysay Gobolka Gedo iyo howlgalka ay halkaasi ka bilaabeen.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada tegaya Gobolka Gedo ay yihiin Milateri, ayna shaqadooda tahay inay dalka difaacaan oo gaaraan xuduudaha dalka, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada Xoogga dalka ay shaqadooda wataan.

“Ciidamda xogga ee hadda dhismay dalka wixii hada ka danbeeya shaqadooda ayey qabsanayaan, gobol kastana waa tegayaan dalka… Wax u gaara ma aha Gedo; ciidamadu inay tagaan xuduudaha waa howshii difaaca ee ay Qarankana mas’uulka uga yihiin..” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo intaas ku daray in dowladda ay mas’uul ka tahay difaaca Qaranka.

Isagoo lagu wareysay Telefishanka Dowladda ee SNTV ayaa su’aalo badan dadka ka weydiiyeen waxqabadka xukuumadda iyo dowladda hadda jirta, waxaana su’aalaha dadweynaha ay si weyn ugu dhaliileen waxqabadka wasaaradda warfaafinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON