Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa 30-kii Aprril intii aan loo magacaabin xilka csub ee wasiirka Warfaafinta dib u howlgeliyey agaasimihii uu hore shaqada uga joojiyey ee wasaaradaasi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya 30 April 2019 ayaa dib loogu hawl geliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdullaahi Xayir Ducaale, waxaana wasiir Maareeye uu sheegayn inay arrintaasi ka dambeysay markii uu talo soojeedin ka timid madaxweyne Farmaajo iyo go’aan ay isla qaateen Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wasiir Maareeye ayaa 10-kii Bishii Feberaayo Sanadkii 2018 shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradaas Cabdullaahi Xayir Ducaale, isagoo ku eedeeyay musuq, balse sanad kadib wuxuu wasaaradda uga tegay sidii uu ugu yimid.
Arritan ayaa laga yaabaa in dib lo habeeyay markii xilka cusub loo magacaabay Wasiir Maareeye. balse taariikh hore lagu qoray si tallaababan sixitaanka ah loo sameeyo.
AKHRISO WAREEGTADA
