Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa soo saaray amar ku socda madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka, kaasoo looga dalbaday inay dhisaan Guddiyo qaabilsan qabanqaabada xuska sanadguurada 60-aad ee xoriyadda dalka.
Wasiir Maareeye oo sidoo kale guddoomiye u ah Guddiga 60-guurada Xoriyadda iyo midnimada oo dowladda Soomaaliya ay dhistay lix bilood ka hor xuska 26-ka June iyo 1-da July, wuxuuna si degdeg madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ugu dalbaday inay u dhisaan guddi la mida Guddigiisa oo heer maamul Goboleed ah si ay uga qeyb qaataan qorshaha ay dejisay dowladda Federaalka in sanadkan lagu xuso maalmaha xoriyadda.
Wareegtada Wasiir Maareeye ayaa lagu faahfaahiyey waxqabadka dowladda Nabad iyo Nolol, iyo qorshaheeda xuska sanadguurada maalmaha xoriyadda ee sanadkan.
HOOS KA AKHRISO

