Thursday, June 26, 2025

Wasiir Maareeye oo u digey Guddiga Doorashada: “Haddii aan u arko in Wadahadalka Lagu dhagrayo Somaliland anna waan tegayaa..” [Dhageyso]

Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inuu ka tegayo dowladda Soomaaliya haddii ay dhacdo in wadahadalka lala furayo Somaliland lagula kaco khiyaano.

Wasiirka  Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadla Guddiga Doorashada madaxda bannaan ee Soomaaliya iyo shir ay qabanqaabiyeen oo ka dhacay Muqdsho ayaa sheegay inuu yahay shaqsi matala shacabka reer Soomaaliland ee raba midnimada Soomaaliya.

“Somaliland arrinteeda waxaa taxadar u baahan, waxaan ahay nin u taagan midnimada, laakiin dalkii waa la iga heystaa ogaaada… haddaan u arko in la sii dhagrayo anna waan tegayaa.. waan in daacad laga ahaado wadahadalka, waa inay ku timaadaa wadahadal, ee aanay noqon dowlad Koonfur laga sameeyaa..”.

Wuxuu ka digay in wadahadalka iyo midnimo doonista la wado ay ku burburaan sabab ay leeyihiin Guddiga Doorashada, isgoo tilmaamay inaysan dhicin in Muqdisho lagu soo ururiyo dad lagu sheegayo inay Somaliland doorasho galeyso.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON