Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa shaqadii ka joojyey agaasimihii guud ee wasaaraddaasi agaasimaha Waaxda Ganacsiga.
Wasiir Maareeye oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa Wareegto uu soo saaray shaqadii uga joojiyey Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Cabdillahi Xiyir Ducaale, isagoo sabab uga dhigay maamul xumo iyo wax is-daba marin ka socotay Wasaaradda.
Qoraalka ayaa lagu amray agaasimaha guud inuu muddo 48 saacadood ah xilka ku wareejiyo agaasime KMG ah oo wasiirku u magacaabay C/kariin Maxamuud Axmed oo hore u hayey xilka agaasimaha mashaariicda Wasaarada Ganacsiga.
Waa wareegtadii labaad ee Wasiir Maareeye uu soo saaro intii uu xilka la wareegay, iyadoo uu hore shaqada uga joojiyay wakiiladii Ganacsiga safaaradihii Soomaaliya ay ku lahayd in ka badan 10 dal.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA