Friday, June 27, 2025

Wasiir Odowaa oo qirtay inay caqabado ka hor yimaadeen Shirka Jowhar

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo maanta tegay Beledweyne ayaa qiray inay caqabadosoo wajaheen shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Odawaa oo saxaafadd la hadlay markii uu maanta tegay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in socdaalkiisa la xiriiro sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan dhismaha maamulka labada gobol ee reer Hiiraan ay qabaan.

“Anniga iyo wafdiga ila socda socdaalkeenu waa sidii loo sii wadi lahaa la tashiyada dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe…,  Caqabado waa jiraan, waxaanse isku dayeynaa in wixii khilaaf ah ee jira aan dhameyno” ayuu yiri wasiir Odowaa oo maalmo ka hor laga soo xigtay inuu socdo wejigii labaad ee shirka Jowahr.

Wasiir Odowaa oo uu la socdo wasiirka Bartoolka Maxamed Mukhtaar ayaa kulamo la qaadan doona odayaasha iyo waxgaradka Hiiraan si loo xaliyo dhibaatooyinka ka taagan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

 

Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo ku biiro wasiiradan isagoo tegistiisa magaalada Beledweyne dib loogu dhigay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON