Dowladda Kenya ayaa mar kale shaacisay inay dib u bilaabeyso Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya iyo xilliga dib loo bilaabayo, iyo heshiis ay labada dalka kala saxiixanayaan.
Wasiirka Beeraha dalka Kenya Peter Munya ayaa Goob fagaaer ah eka sheegay in 5-ta bisha July uu furmayo suuqii Qaadka ee loo iibgeyn jiray Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in la dhameestirayo wadahadalada iyo heshiiska labada dal ka gaarayaan arrintan.
Peter Munya oo shalay la hadlayey dad isugu soo baxay garoonka Kinoru ee gobolka Meru oo ah halka Qaadka lagu beero oo ololaha Doorashada Kenya uu ka waday ayuu in heshiiska Somaliya iyo Kenya uu ku dhici doono laba toddobaad gudahood.
“5-ta Luulyo ayaa heshiiska lagu saxiixi doonaa halkan magaalada Nairobi” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Kenya oo hadalkiisu qeyb ka ahaa ololaha doorashada ee ka socda dalka Kenya.
Ololaha Azimio ayaa maalintii oo dhan ku xarooday garoonka garoonka, iyaga oo wata liiska ballamaha ee codbixiyayaasha gobolka haddii ay ku guuleystaan madaxweynaha.
Soomaaliya ayaa joojisay Qaadkii laga keeni jiray Kenya labo sano ka hor 19-kii Maarso, 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.