Thursday, July 17, 2025

Wasiir Yuusuf Garaad oo iska difaacay Su’aalo adag oo Baarlamaanka lagu weydiiyay [Akhriso]

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta hortegay Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa iska difaacay su’aalo badan oo lagu weydiiyay kulanka.

159 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa su’aalo fara badan weydiiyay Yuusuf Garaad Cumar ayaa iska caabiyay su’aalahaasi, wuxuuna mid mid uga jawaabay su’aalaha xildhibaanada.

Su’aalaha ugu adag ayaa ahaa qaabka shaqada wasaaradda iyo shaqaalaha ay dibadda u dirto, wuxuuna wasiirku sheegay in Soomaaliya ay hadda dibadda ku leedahay 40 safaradood oo qaarkood ay si weyn u shaqeeyaan.

Waxaa la weydiiyay su’aalo ku saabsan halka uu ku danbeeyay gurigii safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, Maxaabiista ku xiran dalalka dibadda, deeqaha waxbarasho ee la musuqmaasuqo, lacagaha faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed iyo su’aalo kale.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in safaaradda Soomaalida ee Kenya ay weli degan tahay guri kiro ah, isla markaana gurigii ay lahayd u baahan yahay dib u dhis. Deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dibadda ayuu sheegay inay dhibaatooyin ka jiraan, kuwaasoo u baahan in laga wada shaqeeyo.

Mar uu Yuusuf Garaad ka hadlayay lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida ayuu sheegay in la baarayo arrintaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON