Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa wadahadal ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal ee mugdiga soo galay.
Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay inay dhigeeda Soomaaliya soo dhoweysay, kana wada hadleen arrimaha taagan ee ka dhaxeeya Somalia iyo Kenya, gaar ahaan walaaca ka dhashay shirkii London ee 7-da Febraayo 2019.
Monica Juma ayaa caddeysay in ka go’an tahay in caadi lagu soo celiyo xiriirka labada dal, iyadoo tallaabada ugu horeysay ay noqon doonto in safiirada labada dal ay shaqooyinkooda ku noqdaan.
Shirkii qarsoodiga ahaa ee labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya oo uu dhexdhexaadiyay ayaa Madaxtooyada Somalia sheegtay in lagu heshiiyey qodobka soo celinta labada danjire, taasoo aan dhaqan gelin wax jawaab ahna laga waayey dhinaca Kenya, iyadoo arrintaasi hadda uun ay ka wadahadleen labada wasiir arrimo dibadeed.


