Thursday, June 26, 2025

Wasiirada Caafimaadka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada shir ku saabsan Coronavirus uga furmay..

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay maanta shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo looga hadlayo Cudurka Coronavirus.

Shirka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah ayaa looga doodi doonaa sidii ay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iska kaashan lahaayeen ka horaga Cudurka Coronavirus, waxaana shirka ka qeyb galaya inta badan wasiirada caafimaadka maamul Goboleedyada.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar oo shirka furtay ayaa sheegtey in ujeedada ugu weyn ee loo qabtay shirka ay tahay inaan la siyaasadeyn Adeegyadaa caafimaadka, iyado cudurka Coronavirus uu si aad ah ugu faafay Caalamka oo dhan.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ka heshay Ganacsadaha Shiinaha u dhashay ee Jack Ma ee madaxda ka ah shirkadda Alibaba deeq qalab caafimaad ah oo ay ka mid yihiin qalabka lagu baaro Cudurka Covid-19 oo baahi weyn loo qabay.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON