Tuesday, July 1, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyey in Bankiga Afrika uu cafiyey Deyntii Somalia (UK & Midowga Yurub oo bixiyey..)

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaciyey in Bankiga Horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii uu ku lahaa Soomaaliya.

Wasiirka oo soo xiganayey qoraal kasoo baxay Bankiga Horumarinta Afrika ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayo dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afrika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, wuxuuna intaas ku daray in Warbixinta Bankiga ay caddeyneysoisbadalka muuqda ee ay ka sameeyeen hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale qoraalka kasoo baxay Bankiga horumarinta Afrika ayaa waxa ku cad in Soomaaliya laga nadiifiyey deyntii uu Bankigu ku lahaa, kadib markii ay dowladda UK iyo Midowga Yurub ay bixiyeen lacagtii Bankigu ku lahaa Soomaaliya oo gaareysay$122.55 million.

Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa hore u sheegay in dalkiisa uu bixiyey deyntii Bankiga Horumarinta Afrika ku lahaa Soomaaliya, halka Norway ay bixisay deyntii Bankiga Adduunka ku lahaa Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON