Wasiirada cusub ee xukuumadda oo lagu dhaariyay Golaha Baarlamaanka [DAAWO SAWIRRO]

0

Wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay codka kalsoonida ka heshay xildhibaanada Golaha Shacabka.

Codad aqbaliyad ah oo gaaraya 224 ayaa lagu meel mariyay xukuumadda, waxaana dhaariyay Guddoomiyaha Maxkmadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada kalsoonida ay siiyeen xukuumadiisa, wuxuuna sheegay inay dadka u adeegi doonaan, isla markaana diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com