Wednesday, June 25, 2025

Wasiirada Cusub ee xukuumadda Soomaaliya oo lagu dhaariyey Xarunta Baarlamaanka [Sawirro]

Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta lagu dhariyey xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhaarinta Wasiirada  waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada, waxaa kaloo ku sugnaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudanayaasha maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.

2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Ku-simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON