Monday, June 23, 2025

Wasiirada isu soo sharxay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo laga dalbaday inay is casilaan & Xaalad soo wajahday

Xildhibaannada wasiirada ah ee isu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaalad culuska soo wajahday xilalkooda kadib markii Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday inay iska casilaan xilalka ay hayaan ee wasiirnimo.

Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa sheegay in looga baahan yahay Wasiirada xilalka ka haya Xukuumadda ay iska casilaan xilalkooda marka hore, ayna qoraalka is casilaadda kala yimaadaan Ra’iisal wasaaraha xukuumadda.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada ayaa ku adkeysanaya in wasiirada u tartamaya xilka ay is casilaan, taasoo shuruud looga dhigay si ay uga qeyb galaan tartanka, waxayna arrintan ku xiran tahay Ra’iial wasaare Kheyre oo laga rabo inuu maareeyo ugu yaraan saddex ka imida wasiiradiisa.

Xildhibaannada wasiirada ah ee u sharxan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kala ah: Wasiirka Difaaca, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hubanti la’aanta heysata wasiirada u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga yaabaa inay keento inay qaarkood ka haraan tartanka guddoomiyaha Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON