Monday, July 14, 2025

Wasiirada Maaliyadda oo kulan degdeg ah la yeeshay Guddiga cusub ee Maaliyadda Baarlamaanka [Sawirro]

Waxaa maanta kulan dhex maray Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan dib u habeynta lagu sameeyay iyo Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii miisaaniyadda dowladda ee 2019 degdeg loogu ansixin lahaa, iyadoo waqtiga haray uu yahay afar maalmood, si aysan u dhicin in sanadka cusub ay dowladda Soomaaliya soo wajahdo kharash la’aan.

“Waxaan maanta la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda BFS oo aan ka wada hadalnay qaabkii aan uga wada shaqeyn laheyn howlaha culus ee ina horyaala…” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo kulanka uu ku wehliyey wasiiru dowlaha Wasaaraddaasi.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa heshiis hoose kula galay xukuumadda in Miisaaniyadda dowladda 2019 lagu ansixiyo si degdeg ah, lana meel mariyo 30-ka bishan Disembar 2018, sida Goobjooge.net ay shaacisay. [Akhriso]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON