Mid ka mida 45 xubnood oo uu shalay magacaabay Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayaa iska diiday inuu xilkaasi qabto.
C/salaan Cabdullaahi Yalaxoow ayaa ka hor yimid Xilka Wasiirk ku xigeenka Gaadidka Cirka iyo dhulka K/Galbeed oo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gaeen u magacaabay, isagoo ku dooday in xilkaasi kasoo horjeedo awood qeybsiga beelaha sida uu yiri.
Wuxuu ku dooday inaysan Beeshiisa u qalmin xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka , taasoo keentay inuu xilkaasi iska diido, isagoo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka K/Galbeed.
Golaha Wasiirada Maamulka K/Galbeed ayaa tiradoodu gaareysaa 50 xubnood, waxaana la filayaa inay kasii bataan.