Wafdi ka kooban Wasiiro iyo xildhibaanada labada ee ka soo jeeda labada Aqal ee Baarlamaaanka Federaalja Galabta gaaray magaalada Garowe, iyagoo ka qeyb galaya shirka wada-tashiga Puntland ee uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Xubnaha tegay Garowe waxaa ka mida Wasiirada Arrrimaha dibadda, Kaluumeysiga, Beeraha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo xildhibaano qaarkood ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo dhoweeyay garoonka magaalada Garowe.
Shirka wadatashiga Puntland oo lagu wado inuu 15-ka bishan Maarso-2020 ka furmo Garoowe ayaa looga hadlayaa go’aanka ay Puntland ka qaadaneyso arrimaha federaalka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, iyadoo xubnaha Wasiirada ee dowladda ugu jira aan la ogeyn doorka ay ku yeelan doonaan.












