Qaar ka mida Wasiiradii hore ee maamulka HirShabeelle ayaa dacwad ku soo oogay Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, iyagoo ku eedeeyay inuu lunsaday xuquuqdoodii muddo sanad ka badan.
Wasiiradan oo gaaraya aaraya ilaa 11 Xubnood, kuwaasoo xilkoodii ku waayey isku shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa ku doodaya in 14 bilood aanay helin xuquuqdooda, waxaana u doodaya Qareen oo madaxweyne Waare ku wargelisay dacwadda loo heysto.
Mid ka mida Wasiiradii hore ayaa sheegay inay doonayaan xaqooda inay ka helaan madaxweynaha maamulka Hirshabelle, waxayna ku eedeyeen inuu lulsaday mushaarkdoodii